MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa inay sameeyaa gadood kadib markii ay soo wajahday mushaar la’aan baahsan 3 dii bilood ee lasoo dhaafay.
Lacagta loogu talagalay xuquuda Askarta ayaa la aaminsanyahay in madaxweynaha uu xukunka ka dhamaaday laftagareen u adeegsanayo arimo siyaasadeed.
Laftagreeen ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxa uu soo iibsaday hub faraban kuwaas oo aan loogu talagalin ladagaalka alshaab balse uu doonayo inuu kursiga ku boobo.
Saraakiil ciidan oo codsaday in aan magacooda la sheegin ayaa arlaadi tv u sheegay inay ay tuhunsanyihiin in mushaaraakda ciidamada uu musuqmaasuqay xafiiiska laftgareen.
Qaar kamid ah saraakiisha ayaa carabka ku adkeeyay in ay sameyn doonaan iska caaabin hadii aan si deg deg ah loogu fasaxin mushaaraadkooda maal maha soo aadan.
Dhinaca kale, maamulka magaalada baydhabo ayaa lacaga baad ah kusoo rugay shacabka kunool caasimada ku meelgaarka kgs taas oo u dhaxaysay $10 illaa $5.
Majirto cid faafaahin ka bixisay ujeedada laga leeyahay iyo waxa loo isticmaalaayo lacagtaan oo laga qaado guriga kasta oo ku yaalo baydhabo kun dhacda jeeb gaar ah.
Illo wareedyo ku dhow dowlada hoose ee baydhabo ayaa u sheegay arlaadi tv in talaabadaan ay qeyb ka tahay hanti uruursasho ay sameynayaan saaxiibada laftgareen ee gabalka ka dhacayo.
Laftagareen oo dhabarka aadiyay doorasho una diyaar garoobayo dagaal ayaa muuqda inuu go’aansaday inuu bulshada kgs uga tago baad bahdil iyo barkicin.
