Home Federaalka Qarax xooggan oo ka dhacay magaaladda Beledwayne

Qarax xooggan oo ka dhacay magaaladda Beledwayne

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Qarax xoogan oo loo maleynayo in loo adeegsaday gaari ayaa waxa uu ka dhacay bartamaha magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.

Warar horudhac ah ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa lala beegsaday bar kontarool oo ay ka akdhow yihiin ganacsyo kala duwan oo u badan maqaaxi.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta dowlad goboleedka HirShabelle oo Beledwayne ay hoostagto.

Sawirro laga soo qaadey goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxa ay muujinayaan burbur baaxad leh oo ka dhashay qaraxa oo dhawaqiisa si weyn loo maqlay.

Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu xudun u yahay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana dhowaan socdaal ku tagay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version