MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya ayaa waxay xustay maalintii ugu madoobeyd oo ah sanad-guuradii lixaad ee ka soo wareegtay qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Afrika.
Qaraxii ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee K-5 ayaa waxaa ku dhintay kuna dhaawacmay ku dhawaad 1,000 qof 14-kii October 2017.
Kooxda Al-Shabaab ma sheegan mas’uuliyadda weerarka, balse mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo laanta sirdoonka ayaa tibaaxay in kooxda hubeysan ay ka dambeysay falkaas.
Xasan Aadan Isaaq oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu helay dambi ah in uu xiriirinayey weerarkan ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaa lagu qabtay isagoo watay gaari labaad oo weerarka lagu soo qaaday. Gaariga ayaa qarxay daqiiqado kadib markii la xiray Isaaq.
Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah Isgoyska 14-ka October ugu magac daray “Isgoyska 14-ka October”- si loo xasuusto dadkii waxyeeladu soo gaartay.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta ay khudbado ka jeediyaan xuska sanadguurada iyaga oo si weyn u cambaareynaya joogitaanka maleyshiyaadka hubeysan.
