Home Federaalka Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirka 147-aad ee Baarlamaannada Adduunka

Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirka 147-aad ee Baarlamaannada Adduunka

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeybgalay Shirka 147-aad ee Baarlamaannada Adduunka “Inter-Parlaimentary Union” Qeybtisa Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Waxaana qeyb ka ah Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS Xoghayaha Guud Aqalka Sare Xoghaye ku-xigeenka Golaha Shacabka BJFS.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay Midnimada, Maamul Wanaagga, Maalgelinta, Horumarinta, Isbedelka Cimilada, Dimoqraadiyadda Qodobo kale.

Shirirkaan isdaba jooga ah oo Guddoomiye Ku-Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Cabdullaahi Cumar Abshirow kaga qeybgalayo Dalka Angola waxa uu socon doonaa 27/10/2023 waxaana lafilayaa in uu qudbad dheer ka hor jeediyo ka soo qeyb galayaasha Gabgabada Shirka 147aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka “Inter-Parlaimentary Union” .

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version