Home Federaalka Taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiishta Puntland oo xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiishta Puntland oo xilka la wareegay

0

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay munaasabadda uu xilka Kula wareegay Taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiishta S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi oo ka dhacday xarunta Taliska Ciidanka Darawiishta ee xerada 54-aad.

Deni ayaa muujiyey muhiimada Dowladdu siisay dhismaha iyo dib-u-habeynta Ciidanka, taasi oo hadda ka muuqata guulaha laga gaaray difaaca iyo horumarka xarunta Ciidanka Darawiishta iyo hanaanka kala sareynta iyo kala danbeynta.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda, Taliska Ciidanka Daraawiishta, Taliska Ciidanka Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Saraakiisha kale ee laamaha Amniga Puntland.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version