Home Federaalka Xukun lagu riday Jeneraal Sheegow iyo askarta daacadda u ah

Xukun lagu riday Jeneraal Sheegow iyo askarta daacadda u ah

0

MUQDISHO โ€“ Maxkamadda Ciidamada ayaa ku riday Sheegow iyo Maleeshiyadiisa Xukunno Isugu Jiro Dil, Mag iyo Sanado Xabsi Ciidan ah.

Sheegow Axmed Cali waxaa lagu Xukumay Bixinta Diyada Sakariye ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ Cali oo ku baxay Fal-celintiisa iyo magdhow siinta sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo uu dhaawacay.

Axmed ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ Xasan (Abii Axmed ) taliyaha maleeshiyada Horjooge Sheegow ayaa isna lagu Xukumay Dil-toogasha ah, waxa uuna ku dilay jowhar Maxkamad ku taal laba eedeysane February 13-keedii sanadkan.

18 kale oo isla kuwii dagaalamay ayay Maxkamadda ku Xukuntay min 6-Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Laba dhac gaystay ee fowdada ka bilaabatay ayaa iyana lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Bixinta Telefoon-dii ay dhaceen.

Deeqow maal geliyaha kooxdan oo aan lahayn Diiwaan Ciidan ayaa lagu xukumay 3-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sidaas waxaa lagu daabacay goor dhawayd mareegta Garsoor oo ah isha warbaahineed ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version