MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir wadatashi oo ku saabsan qaab-dhismeedka amniga qaranka, gaar ahaan ahaan qeybta Booliska.
Xamsa oo ka hadlay furitaanka shirka oo soconaya 7- 9 Nofeembar, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay tayeynta iyo qalabeynta ciidamada booliiska Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan, si ay ula wareegaan sugidda amniga dalka.
