Home Federaalka UN-ka oo cusbooneysiiyay muddo xileedka ATMIS iyo cunaqabateynta Soomaaliya

UN-ka oo cusbooneysiiyay muddo xileedka ATMIS iyo cunaqabateynta Soomaaliya

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii shalay ansixiyey qaraar lagu kordhinayo muddo xileedka Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) kaasoo loogu daray muddo lix bilood ah, illaa 30-ka June, 2024-ka.

Qaraarka tirsigiisu yahay 2710, kaasoo ku guuleystay taageerada wadajirka ah ee 15-ka xubnood ee golaha, ayaa u fasaxaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika in ilaa 17,626 ciidamo ku labisan dareeska ATMIS ay sii joogaan Soomaaliya ilaa 31-ka Diseembar, 2023, iyo in la dhameystiro wejiga 2-aad ee dhimista ciidan dhan 3,000.

Qaraarkan wuxuu ka codsanayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika in ay sameeyaan qiimeyn farsamo oo wadajir ah ugu dambeyn 31-ka Maarso, 2024.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey waxa ay u dalbatay in muddo saddex bilood dib loo dhigo bixitaanka ciidamadda ATMIS taas oo qorshaha ahayd in ay dalka ka hayaan dabayaaqadda sanadkan.

Dhanka kale, Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale si wadajir ah u ansixiyay in ay sii jirto cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ilaa 1-da Diseembar, 2023.

Qaraarkan tirsigiisu yahay 2711 waxa kale oo uu go’aamiyay in dib loo cusboonaysiiyo shaqada guddiga khubarada, ee caawiya Guddiga Cunaqabataynta, ilaa Dec. 31, 2023.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version