GAROWE – Maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay inuu kasoo horjeedo wax-ka-badalka dastuurka oo ay waddo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay shirka golaha wasiiradda madaxwayne Deni waxaa lagu caddeeyay in ay si weyn uga digayaan talaabadan halka dhinac ah.
Qoraalka ayaa waxaa lagu yiri:
“Dowladda Puntland waxay si cad uga soo horjeedaa wax ka badelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyada oo dano siyaasadeed laga leeyahay.
Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalku waa heshiis bulsho, kuna dhisan is faham siyaasadeed iyo dib u heshiineed Qaran kadib burburkii Dowladdii dhexe ee Dalka.
Sida ku cad Dastuurka KMG ah Cutubka 1aad, Qodobkiisa 3aad, farqaddiisa 3aad “Mabaadiida Aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhisan yihiin Mabaadiida Aasaasiga ah ee Awood qaybsiga nadaamka Federaalka ah”, Sidaa darteed, Madaxda iyo hay’adaha Dowladda Federaalka ah awood uma laha in ay badalaan hannaanka dowladda dhexe u dhisan tahay ee ah Madaxweyne iyo Raisul Wasaare iyo tubta dowlad dhiska ee ku dhisan Dastuurka KMG ka ah.
Haddaba, Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in aysan qayb ka noqon in meesha laga saaro Dastuurka KMG ka ah iyo wax ka badel kasta ee keeni kara khilaaf siyaasi ah.
Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka noqon doonin dhaqangelinta wax-ka-badel kasta ee Dastuurka lagu sameeyo iyada oo aysan Puntland qayb ka ahayn”.
Hadalkan ayaa waxa uu imaanayaa xilli si weyn loo hadal-hayo in Baarlamaanka Federaalka uu kal-fadhiga soo aadan cod u qaadi doono wax ka badalka dastuurka iyo heshiisyaddii golaha wadatashiga qaranka. Talaabadan waxaa laga cabsi qabaa in ay sabab u noqoto fowdo iyo gacan ka hadal ka dhaca golaha shacabka.
