Home Federaalka Burcad-badeed Soomaali ah oo weerartay markab laga leeyahay Israa’iil

Burcad-badeed Soomaali ah oo weerartay markab laga leeyahay Israa’iil

0

MUQDISHO – Burcad-badeed Soomaali ah ayaa isku-dayday in ay qafaalato markab marayay gacanka cadmeed kaasoo laga leeyahay Israa’iil, sidda ay sheegtay dowladda Mareykanka.

“Waan sii wadeynaa qiimeynta, laakiin calaamadaha ugu horreeya ayaa ah in shantan qof ay ahaayeen Soomaali,” ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka Brigadier General Patrick Ryder.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Ryder ayaa intaas ku daray: “Sida cad waa dhacdo la xiriirta burcad-badeednimada”. Dhanka kale, dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaddiyadan.

Waxaa jiray weeraro xiriir ah oo ka dhacay biyaha bariga dhexe tan iyo markii uu dagaal dhex-qarxay Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas uu qarxay 7-dii October.

Isku dayga afduubka markabka ayaa daba socday afduub ay Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ku qabsadeen markab xamuul oo xiriir la leh Israel, kaasoo marayay koonfurta badda cas todobaadkii hore.

Central Park waa doon qaada shidaalka kaas oo ay maamusho shirkadda Zodiac Maritime Ltd, oo xarunteedu tahay London hoostagana shirkad maaraynta maraakiibta caalamiga ah oo ay leeyihiin qoyska Israel Ofer.

Markabkan oo sitay calanka Liberia ayaa la dhisay 2015, waxaana iska leh shirkadda Clumvez Shipping Inc, sida ku cad xogta LSEG.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version