MUQDISHO – Safaaradda Mareykanka ee fadhigeedu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa maanta waxa ay martigelisay munaasabad ay gabdho Soomaaliyeed kusoo bandhigeen hal-abuurkooda ganacsi.
Gabdhahan ayaa kamid ah mashruuc loogu magacdaray Akadeemiyadda Hal-abuureyaasha Ganacsi kaas oo wajigiisa koowaad ay ka faa’iideysanayaan ku dhowaad 20 gabdho oo laga soo xulay Muqdisho.
Sii-haayaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Mr Shane, ayaa waxa uu sheegay in ay sii wadayaan taageerida barnaamijkan oo ay hirgelintiisa u wakiisheen Hay’adda maxaliga ah ee loosoo gaabiyo Irise Hub.
Qaar kamid ah gabadhaha kasoo qeybgalay barnaamijkan ayaa madasha kusoo bandhigay ganacsiyadooda iyaga oo sheegay in caqabada ugu weyn ee haysata ay tahay maalgelin la’aan iyo siyaasad la’aan.
Soomaaliya ayaa kamid ah ku dhowaad 10 dal kale oo ku kala yaalla caalamka kuwaas oo barnaamijkan ay ka hirgelisay Dowladda Mareykanka, waxaana uu dhamaanayaa bisha Febraayo ee 2024-ka.
