Home Federaalka Wiilka madaxweynaha Soomaaliya oo loo baadigoobayo dil uu ka geystay Turkiga

Wiilka madaxweynaha Soomaaliya oo loo baadigoobayo dil uu ka geystay Turkiga

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal-haysa dil la sheegay in wiil uu dhalay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka geystay Turkiga 30-ka bishii November, 2023.

Wiilkan oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waramay in uu gaari ku jiiray muwaadin u dhashay Turkiga oo watah mooto.

Saxaafadda Turkiga ayaa qortey in baabuurka lagu geystay falkaas ay lahayd safaaradda Soomaaliya ee Turkiga isla markaana Maxamed uusan ahayn diblumaasi.

Maxamed ayaa warar soo baxay maalmihii lasoo dhaafay ay sheegayaan inuu ka baxsaday xabsiga isla markaana aanan haatan la ogayn meesha uu ku sugan yahay.

Dowladda Soomaaliya iyo xafiiska warfaafinta madaxwayne Xasan Sheekh ayaanan wali wax war ah kazoo saarin dhacdadan hadalheynta badan dhalisay.

Dhacdadan aaaa laga cabsi qabaa in ay saameyn ku yeelato xiriirka labada dowladood iyadda oo madaxwayne Xasan Sheekh uu todobaadkii horey qaabilay wafdi Turki ah.

Turkiga ayaa kamid ah wadamadda ay ku nool yihiin Soomaalida ugh badan caalamka isla markaana gudaha dalka ka fuliyay mashaariic horumarin iyo taageero siiya ciidamadda Soomaaliya.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version