Home Koonfur Galbeed Aadan Madoobe oo gaarey Baydhabo xilli Laftagareen u dabaal-dagayo 5-sano guuro

Aadan Madoobe oo gaarey Baydhabo xilli Laftagareen u dabaal-dagayo 5-sano guuro

0

BAYDHABO – Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo kuso dhoweyey Wafdi uu Hogaaminayey Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)

Socdaalka Gudoomiyaha BFS ee Magaalada Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka Munaasabada Sanad guurada 5-aad ee Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Sidoo kale, siyaasiyiin ay kamid yihiin Xildhibaano iyo wasiir heer federal ah kuwaas oo isugu jira qaar degaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed iyo kuwa aan ahayn ayaa kasoo muuqanaya xaflada.

Marti Sharaf kale oo ka timid qaar kamid ah dowlad goboleedyadda dalka ayaa sidoo kale waxaa la rajeynayaa in ay ka qeybgalaan xafladdan kuwaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada.

Laftagareen oo sanadkii shanaad ay u buuxsameyso muddo xileedkiisa ayaa si rasmi ah waxaa xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed loo doortey 19-ka bishii December ee sanadkii 2018-kii.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version