Home Federaalka Markab ku safrayay calanka Malta oo lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya

Markab ku safrayay calanka Malta oo lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya

0

NAIROBI – Markab ganacsi oo ay afduubteen kooxo aan la garaneyn ayaa weli ku sugan xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah ee badaha.

Shirkadda ka shaqeysa arrimaha ammaanka badda lagana leeyahay Britain laguna magacaabo Ambrey ayaa sheegtay in markabka la geeyay meel ka baxsan xeebta Bander Murcaayo ee Puntland, Soomaaliya 17-kii December.

Markabkan lagu magacaabo The Ruen ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya Isniintii saacadu markay ahayd 1810 GMT, sida ku cad xogta maraakiibta badaha ee MarineTraffic.

Weerarada ka dhanka ah maraakiibta caalamiga ah ayaa isa soo tarayay tan iyo markii uu sii xoogeystay dagaalka Gaza ku dhexmaraya ciidamadda Yahuuda iyo dagaalameyaasha kooxda Xamaas.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version