GAROWE – Madaxweynahii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehelinayaan Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Garoonka Diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir ayaa waxaa kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, xubno ka tirsan goleyaasha wasiirrada iyo wakiillada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa kulammo wadatashi la qaadanaya Madaxda Puntland, kuwaas oo lagu xoojinayo dadaallada dowlad-dhiska Soomaaliyeed, adkaynta wadajirka iyo midnimada dadkeenna oo maanta ay ku hareeraysan yihiin duruufo adag.
Sidoo kale, Farmaajo ayaa kulammo gaargaar ah la qaadanaya waxgaradka iyo aqoonyahanka Puntland, isagoo mudnaanta siinaya in uu dhageysto aragtidooda ku aaddan khilaafka ka taagan hannaanka aan heshiiska lagu ahayn ee lagu beddelayo dastuurka dalka.
