Home Federaalka Afarta qodob ee ugu muhiimsan wax ka badalka dastuurka Soomaaliya

Afarta qodob ee ugu muhiimsan wax ka badalka dastuurka Soomaaliya

0

MUQDISHO – Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta loo akhriyay nuqulka kama dambeysta ah ee wax ka badalka afarta cutub ugu dambeysa ee Dastuurka dalka.

Afar qodob oo dooda ugu weyn ay ka taagneyd ayaa isbedel kooban lagu sameeyay kuwaas oo la kala dhigay sidda soo socota;

1. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa ku imaan doona doorasho dadwayne ama qof iyo cod

2. ⁠Ra’iisul Wasaaraha soo aadan ayaa noqon doona mid uu xilka ka qaadi karo madaxweynaha

3. ⁠Xisbiyadda Siyaasadeed ee dalka uu yeelanayo ayaa noqon doona kaliya saddex asxaab

4. ⁠Muddo xileedka madaxweynaha soo aadan ayaa waxa uu noqon doonaa shan sano

Sikastaba, baarlamaanka ayaa la filayaa inuu cod u qaado wax ka badalkan maalinta Sabtida ee todobaadkan soo aadan. Kulankan ayaa si weyn isha loogu haayaa.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version