Home Federaalka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo go’aamiyay in dalka laga eryo safiirka Itoobiya

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo go’aamiyay in dalka laga eryo safiirka Itoobiya

0

MUQDISHO – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah meelmariyay qaraar kaas oo dhigaya in dalka laga ceriyay safiirkii Itoobiya u fadhiyay Muqdisho, Mukhtaar Maxamed.

Sidoo kale, golaha ayaa waxa uu go’aamiyey in albaabada la isugu dhufto qunsulyadii ay Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garowe ee Puntland iyo Hargeysa ee Somaliland.

Illo wareedyo ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa u xaqiijiyay Arlaadi Media in qaraarkan lagu meelmariyay shirkii todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda federaalka ah.

Go’aankan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya uu xumaa tan iyo 1-dii Janaayo sanadkan 2024 markii ay Addis Ababa heshiis la gashay Somaliland.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay ka gadaal markii shalay ay wafdi ka socda Puntland ay gaareen Addis Ababa ayna kawada hadleen iskaashi dhinacyo badan taabanaya.

Sikastaba ha ahaatee, go’aanada maanta soo baxay ayaa waxa ay muujinayaan in ay fashilmeen dadaaladii ay wadeen Jabuuti iyo Kenya kuwaas oo doonayay in ay qaboojiyaan xiisada labada dal.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version