Home Federaalka Dab xooggan oo qabsadey qeybta Dahablaha ee suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Dab xooggan oo qabsadey qeybta Dahablaha ee suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

0

MUQDISHO – Dab xooggan ayaa ka kacay suuqa ugu weyn caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kaas oo loo yaqaano Bakaaro.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta dhalisay dabkan wallow illaa haatan aysan Dowladda war kasoo saarin.

Sawirro iyo muuqaalo laga helay Bakaaraha ayaa muujinaya in dabka uu qabsadey qeybta loo yaqaano Dahablaha.

Khasaaro kala duwan oo isugu jira waxyeelo hantiyadeed ayaa la sheegay inuu ka dhashay dabkan wallow aan wali la tirokoobin.

Gaadiidka dab damiska soo soo daahay ayaa sabab u noqdey in dabka uu sii fido ayna gubtaan mehrado kala duwan.

Dabkan ayaa waxa uu kusoo beegmaya xilli ay maalmo ka dhiman tahay Ciidul Fidriga taas oo ay dadka u diyaar-garoobayaan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version