ADDIS ABABA – Qarax khasaaro geystay ayaa ka dhacay gudaha Iskuul ku yaal magaalada Finote Selam ee ku taal gobolka Axmaarada ee Itoobiya.
Sida lagu sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray xafiiska warfaafinta ee gobolka Axmaarada, dhacdadan ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 25 arday.
“Qaraxa ayaa dhacay intii lagu jiray xilliga imtixaannada ardaydu ku jireen fasalladooda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Afar qof ayaa soo gaaray dhaawacyo aad u daran, taasoo keentay in laba kamid ah loo wareejiyo xarun caafimaad oo kale si loogu daweeyo.
Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay arday magaciisa lagu sheegay Yohannes Tesfaye Shumet, kaasoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa qaraxa. Yohannes ayaa dhaawac ka soo gaaray gacanta iyo lugta.
Qaraxyada ayaa naadir ka ah dalka Itoobiya, waxaana falkan uu imaanayaa iyadda oo gobolka Amxaarada ay ka jirto xiisad u dhaxeysa dowladda federaalka Itoobiya iyo maamulka gobolkaas.
