MUQDISHO – Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo waxa ay ku qaadey degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Meelaha la beegsaday waxaa kamid ah xaruntii Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee magaaladan ku dhow Muqdisho.
Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in qarax uu ka dhacay banaanka xaruntan uuna soo gaarey burbur xooggan.
Khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay inuu jiro wallow aan wali la shaacin tiro sax ah.
War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ay galaan xarunta NISA iyo badi xaafadaha ay ka kooban tahay Balcad.
Illaa haatan, Dowladda Federaalka ayaa wali wax war ah kasoo saarin weerarkan oo yimid xilli loo diyaar-garoobayo Ciida.
Sikastaba, Weerarkan xarunta NISA ee Balcad ayaa imaanaya iyadda oo isbedel lagu sameeyay hogaanka Hay’adda asbuucii hore.
