Shabeellaha dhexe – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgallada dib u xoreynta dalka ayaa maanta garay deegaanka Waragaadhi ee gobolka Shabeelaha dhexe.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka ku sugan ka dhegeystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray argagixisada, warbixinta ciidamada ay hoggaamiyaan iyo qorshaha waqtiga kooban ee Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada haray.
Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa deegaankan u tagay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno katirsan Hirshabelle, waxa uuna Madaxweynaha saraakiisha uu la kulmay ugu baaqay in dagaal u diyaar garoobaan.
