Thursday, August 27, 2026

Wasiirka amniga dowladda HirShabeelle oo Masaajid Cali Gaduud kawada sidii ay uwada shaqeyn lahaayeen shacabka & dowladda

Share

Maasjid Cali Gaduud – Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Hirshabelle oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaradda  Mohamed Abdirahman Kheire ayaa ku qabatay kulamo ku saabsan kor u qaadida kalsoonida iyo wada shaqaynta hay’adaha Amniga iyo bulshada ku nool Degmada Masaajid Ali Gaduud.

Sidoo kale, Kulamadaan waxaa qeeb ka ahaa Maamulka Degmada oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada Seylac cumar iyo Saraakiisha ciidamada Amniga Degmadda oo si ween u soo dhaweeyay isla markaana bogaadiyay muhiimada eey lee dahay isku xirka laamaha amniga iyo Bulshada Degmada Masajid Cali Gaduud.

Dhanka kale,  waxeey kamahad celiyeen bulshada kunool degmada Masaajid Cali Gaduud Kulamadaan muhiimka ah ee ku saabsan wada shaqeenta Hay’addaha Amniga iyo bulshada, waxeeyna balan qaadeen ineey si dhaw u ula shaqeen donaan Ciidamada Amniga.

Read more

Local News