Muqdisho – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafti wasiiro ah oo uu hogaaminayo ayaa galabta u caraabay caasimadda dalka Qatar ee Doha.
Booqashadan oo uu baahiyay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay inay tahay mid rasmi ah isla markaasna ay daarantahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, horumarinta arrimaha bulshada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Qatar waxa uu kullamo la yeelan doona madaxda ugu sarreysa dowladda Qatar, iyada oo booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee ay la leedahay dunida.
Safarka uu ra’iisul wasaare Xamse ugu amba baxay Qatar ayaa ah kii ugu horeeyay ee sanadkaan uu dalka kaga baxo, iyadoo dhawaan uu magaaladda Muqdisho ku saxiixay buuga tacsida Amiirkii hore ee Qatar Amir Xamad Bin Khalifa Al Thani oo geeryooday.

