BAYDHABO – Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud Air Port ee Magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyey Wafdi uu Hogaaminayey Rai’sul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Abdi Bare
Socdaalka Rai’sul Wasaaraha ee Magaalada Baydhabo ayaa ah sidii Madaxweyne Laftagareen ay uga Wada hadli la hayeen Xaalada Dalka uu Marayo Dhinacyada Siyaasada iyo Amniga.
Soo dhoweynta Sido kale waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Labadda Aqal ee Baarlamaanka Dalka, Goliyaasha Dowladda Koonfur Galbeed, La Taliyaasha Madaxweynaha, Saraakiisha Hay’addaha Amniga, Maamulka Gobolka Baay, kan Degmada Baydhabo iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada.
