HARGEYSA, Somaliland – Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyay in Cabdiraxmaan Ciro uu ku guuleystay kursiga madaxweynaha xiga ee maamulka kadib 63.92% uu ka helay codadkii la dhiibtay.
Guddiga ayaa sidoo kale wuxuu ku dhawaaqay in ay soo baxeen saddex xisbi oo kala noqonayaa WADDANI, KULMIYE iyo KAAH iyadda oo uu meesha ka baxay xisbigii UCID.
Madaxweynaha xilka ka dagay ee Muuse Biixi Cabdi iyo xisbigiisa KULMIYE ayaa codadkii dadweynaha ee doorashaddii dhacdey Nov 13 2024 waxay ka heleen codad u dhigma 34.81%.
