MUQDISHO – Gobolka Shabellaha Hoose ayaa mar soo ahaa halbowlaha wax-soo-saarka dalka. Wuxuu ahaa dhul hodan ku ah dalagyada ay kamidka yihiin gallayda, masagada iyo qudrada noocyadeeda kala duwan oo ay ku tiirsanaayeen malaayiin Soomaali ah. Sannado badan oo colaad iyo burbur kaddib, maanta xaruuntii barwaaqada waa dhul ay dadkiisu la hardamaan nolol-maalmeedka.
Yuusuf Maxamed Muridi, oo ah 27 jir u dooda xuquuqda beelaha la hayb sooco, ayaa ka mid ah dhalliyarada deegaanka ee la tacaalaysa caqabadahan. Wuxuu hormuud ka yahay dedaallada lagu xakamaynayo isbeddelka cimilada, helitaanka biyo nadiif, fayo-dhowrka, iyo taageerada barakacayaasha.
Yusuf wuxuu ku dhashay kuna barbaaray Afgooye, Shabellaha Hoose, halkaas oo uu si toos ah ugala kulmay caqabadaha horumar la’aanta, takoorid, helitaan la’aanta waxbarasho tayo leh, iyo shaqo la’aanta baahsan, kuwaas oo xaddiday horumarkiisa.
Sikastaba, Yuusuf waxay waalidiintiisa ku abuureen ahmiyadda waxbarashada iyo shaqada, taas oo saldhig u noqotay hamigiisa nololeed.
Sanadkii 2018, wuxuu ka qalin jabiyay kuliyadda Beeraha ee Jaamacadda Jobkey ee magaalada Muqdisho. Muddo dhawr sano ah, wuxuu si joogto ah u codsanayay shaqooyin la xiriira aqoontiisa, balse waxaa uu mar weliba la kulmi jiray diidmo.
“Mar kasta oo hayb ahaan shaqo laygu diido, waxay ii ahayd xusuusin caqabadaha adag ee horyaalla dadka laga tirada badan yahay,” ayuu yiri Yusuf. “Laakiin waxaan ogaa in aan wax weyn beddeli karo haddii aan sii wado dadaalka.”
Inkastoo diidmadu ahayd qalbi-jab, wuxuu ku adkaystay halgankiisa, isagoo aaminsan in qof walba uu leeyahay waajibaad ay ka mudan yihiin bulshadiisa.
Bilowgii sanadkan 2024 wuxuu fursad u helay kamid noqoshada barnaamijka John Lewis Minority Fellows, kaas oo ka caawiyay helida tababaro iyo meeleyn shaqo.
“Barnaamijkani wuxuu ii ahaa isbeddel nololeed,” Yuusuf ayaa yiri. “Xirfado iyo farsamo keliya kama aanan kororsan balse wuxuu i siisay fursad iyo kalsooni aan ugu adeego bulshadayda.”
Tababarka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray caqabadaha nidaamsan ee ay la kulmaan bulshooyinka laga tirada badan yahay, iyadoo Yuusuf lagu tababaray qaabka uu uga qayb qaadan karo in la gaaro isbeddel macno leh oo waara.
Markii uu tababarka dhamaystay, Yuusuf waxa uu boos shaqo ka helay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo ka qayb qaatay fulinta mashaariic wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka biyaha iyo deegaanka.
Yusuf, wuxuu door muhiim ah ka cayaaray guddi loo xil saaray wax-ka-qabashada caqabadaha ba’an ee dhanka deegaanka, biyaha iyo fayodhawrka ee ka jira deegaanka. Wuxuu xoogga saaraa sidii loo gaarsiin laha biyo nadiif ah dadka barakacayaasha, dhisidda kaabayaal biyo oo u adkeysan kara isbeddelka cimilada, sidii loola dagaallami lahaa xaalufinta dhirta, isaga oo hormuud u ah ololayaal dhir beeris oo ay dadka deegaanka hoggaaminayaan, iyo dhiirrigelinta hababka beeraha ee waara, si loo xoojiyo sugnaanta cuntada. Dadaalladiisa waxay si toos ah u saameeyeen barakacayasha iyo bulshooyinka laga tirada badan yahay, kuwaas oo hadda heli kara tababaro iyo agabyo aan horay u jirin.
Mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee Yusuf ayaa ah mashruuc lagu rakibay matoorro biyo oo qoraxda ku shaqeeya (solar), kuwaas oo laga hirgeliyay xeryaha barakacayaasha. Tallaabadan waxay biyo nadiif ah gaarsiisay in ka badan 10,000 oo qof oo barakac ah.
Ma aha oo kaliya in arrintani ay hagaajisay xaaladda nololeed, balse waxay sidoo kale dhimaysaa ku tiirsanaanta ilaha tamarta aan waari karin. “Biyo nadiif ah waxaa ay beddelaan wax walba tusaala ahaan—caafimaadka, waxbarashada, nolol-maalmeedka,” ayuu yiri Yusuf.
Sidoo kale, Yusuf wuxuu hormuud u yahay ololaha dib-u-beerista dhirta oo ay qeyb ka yihiin bulshada deegaanka, si loo xakameeyo xaalufka dhirta loogana hortago saamaynta isbeddelka cimilada. Isagoo kaashanaya dhallinyarada, ayaa dadaalladiisu waxay sababeen in kumanaan geed la beero, labadii bilood ee lasoo dhaafay, gaar ahaan degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn.
Dhir beerista wuxuu dib u soo nooleeyay dhulkii burbursanaa, wuxuu dhallinyarada u abuuray fursado shaqo, isla markaana wuxuu kor u qaadayaa wacyiga ilaalinta deegaanka.
“Dhir beerista kaliya deegaanka ma khuseyso,” ayuu yiri Yusuf. “Waxay sidoo kale dadka siinaysaa dareen lahaansho oo ay mustaqbalkooda ku ilaashadaan.”
Ka hor intii uusan ku biirin Wasaaradda, Yusuf wuxuu macalin ka noqday iskuul halkaas oo uu ka soo bilaabay halgankiisa nolosha. Intii uu ahaa macallinka, wuxuu ardayda ku dhiirrigelin jiray inay uu adkaystaan caqabadaha isla markaana ka faa’iideystaan waayo-aragnimadiisa.
Maanta, Yusuf wuxuu weli sii wadaa hawlahiisa la xiriira horumarinta dhallinyarada, wuxuuna kala taliya sida ay waxbarasho ku heli karaan, habka loo galo suuqyada shaqada, iyo sidii ay u difaaci lahaayeen xuquuqdooda iyo mataalada siyaasadeed.
“Bulshooyinka la hayb sooco waxay leeyihiin awood iyo aqoon aan laga faa’iidaysan,” ayuu yiri Yusuf. “Waa in aan hubinnaa in codkooda aan la iska dhegeysan oo kaliya, balse ficil dhab ah loo sameeyo sida in la maalgeliyo, la siiyo agab iyo fursado.” Wuxuu si xoog leh u dhiirrigeliyaa in la sameeyo barnaamijyo tababar xirfadeed oo gaar ah oo kor u qaadaya fursadaha dhallinyarada waxbaratay ee Shabellaha Hoose, isagoo xusay inay awood u leeyihiin inay horseed u noqdaan hal-abuurnimo iyo adkeysi bulshadooda ah.
Sheekada Yusuf Maxamed Muridi waa tusaale muuqda oo ku saabsan haldoorada ka dhashay bulshada Afgooye. Inkastoo uu soo maray dariiq adag, wuxuu wali dedaal badan geliyaa sidii uu rajo iyo mustaqbal wanaagsan loogu sameyn lahaa bulshada deegaankiisa.

