MUQDISHO – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadashay isbedelka dhanka hogaanka ee ka dhacay Suuriya kaddib markii la riday dowladdii madaxwayne Bishar Al-Asad bishii December 2024-kii.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siiyay Aljazeera ayaa xaqiijiyay in ay warqad u direen maamulka cusub ee Siiriya ayna ku muujiyeen in ay soo dhaweynayaan isbedelka dhacay.
“Waxaan warqad u dirnay wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Suuriya, waxaana rajeyneynaa inaan dhowaan kulanno, isbedellada ka socda Suuriya waxay fursad u tahay malaayiin Suuriyaan ah oo barakacayaal ah inay dib ugu soo laabtaan oo ay ku noolaadaan xorriyad iyo amni.” Ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Fiqi ayaa waxa uu soo hadal qaaday xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya ay la leedahay dalka Suuriya, isagoo xusay in uu yahay dalka kaliya ee Carbeed ee aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliga kadib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.
“Safaaradda Soomaaliya ee Dimishiq waligeed lama xirin xitaa xilliyo adag, waxaan qorsheynayaa in aan dhawaan booqdo Dimishiq,” ayuu ku daray Fiqi.
Burburka taliska Asad waxa uu soo afjaray in ka badan 50 sano oo hal qoys ay xukumayeen waddankaas. Mowqifka ay qaadatay dowladda Soomaaliya waxa uu u muuqdaa mid yimid kadib taxadar dheeraad ah.
