MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhimatay tiro kalana way ku dhaawacmeen kadib dagaal ka dhacay guri ku yaalla degaanka Jasiira ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka uu ku bilowday dagaalkan saacadaha kooban socdey.
Saraakiisha Koonfur Galbeed ayaa Arlaadi Media u sheegay ciidamada boolis-milataari ee dowladda federaalka ay weerareen fariisin ay halkaas ku lahaayeen.
Dhanka kale, saraakiisha boolis-milataari ayaa ku doodey in ay beegsadeen guri ay si qarsoodi ah uga socotay qorida askar cusub ayna ka shakiyeen.
Sidoo kale, saraakiishan ayaa sheegay in ciidamada joogay guriga oo uu hogaaminayay sarkaal lagu magacaabo Daahir Maxamuud Xasan ay diideen in ay shaqada joojiyaan ayna halkaas ka dhalatay isku-dhaca.
Ma jiro wax war-saxaafadeed rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan oo illaa hadda kasoo baxay labada dhinac – Koonfur Galbeed iyo Dowladda federaalka Soomaaliya.

