Home Federaalka Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka oo kulan muhiim ah uga qeybgalay Geneva.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka oo kulan muhiim ah uga qeybgalay Geneva.

0

MOGADISHU, Somalia – Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Geneva kulan miro-dhal ah kula yeeshay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah (International Trade Center), Marwo Pamela Coke-Hamilton.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada horumarinta ganacsiga iyo kobcinta awoodda ganacsatada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Soomaaliya ayaa dhawaan qabatay fadhigeedii ugu horreeyay ee ku saabsan ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), taas oo muujineysa sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka ganacsi ee caalamiga ah, una ah tiir muhiim ah oo ka mid ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan – NTP).

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version