MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer ku tagay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle iyo xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, “isagoo ka jawaabay cabashooyin shacabka ka muujiyey adeegyada garoonka iyo socdaalka”.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa la kulmay masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, maamulka garoonka, iyo hay’adda Socdaalka, wuxuuna faray in si degdeg ah wax looga qabto cabashooyinka la xiriira adeegyada muhiimka ah, isagoo ku adkeeyey in uu garoonka ku soo laaban doono muddo laba toddobaad gudahood ah si uu u hubiyo isbeddelada.
Intaa waxaa dheer, Ra’iisul Wasaare Xamsa wuxuu dhageystay warbixin ku saabsan adeegyada socdaalka, bixinta baasaboorrada, nidaamka E-Visa iyo horumarinta xogta muwaadiniinta, isagoo bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha dadaalka joogtada ah ee ay u hayaan shacabka.
“Shaqo weyn iyo masuuliyad culus ayaad dalka u haysaan, dhaqaalaha, amniga, fududeynta socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha, dhammaantood waa howlaha aad masuulka ka tihiin. Waxaana la idinkaga fadhiyaa inaad bulshada ugu adeegtaan si hufan oo daahfuran,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
