Home Federaalka Wararka Gudaha Soomaaliya oo Dalalka Carabta Iyo Islaamka Ugu Baaqdey Midnimada Iyo Iskaashiga

Soomaaliya oo Dalalka Carabta Iyo Islaamka Ugu Baaqdey Midnimada Iyo Iskaashiga

0

DOOXA, Qadar – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka degdegga ah ee Dowladaha Carabta iyo Islaamka, oo lagu qabtay magaalada Dooxa, Qatar, ka dib weerar ay Israa’iil ku qaaday dalkaas.

Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay weerarka mid xadgudub ku ah dalalka Carabta, isaga oo muujiyey sida Soomaaliya ay u barbar taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar xilligan adag.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda midnimada iyo iskaashiga dalalka Carabta iyo Islaamka, isagoo xusay mowqifka taariikhiga ah ee Soomaaliya ay ku garab-taagan tahay dadka Falastiin, kuwaas oo wajahaya gumaad iyo gumaysi ka socda Israa’iil.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, madaxweynaha ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin mideysan si loo xaqiijiyo hirgelinta dowladda Falastiin ee caasimaddeedu tahay Qudus, isla markaana la dhaqan geliyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay, si loo joojiyo falalka gardarrada ah ee Israa’iil loona ilaaliyo xasilloonida gobolka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version