MOGADISHU, Soomaaliya – Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesca Di Mauro, oo ay wehliyaan ku xigeenkeeda arrimaha siyaasadda, Karin Gatt-Rutter.
Kulanka ayaa xooga lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac, gaar ahaan arrimaha horumarinta siyaasadda, shuruucda, dib-u-eegista Dastuurka, iyo qorshayaasha kale ee mudnaanta u leh Aqalka Sare.
Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyay howlaha horyaalla Aqalka Sare iyo shuruucda muhiimka ah ee dib-u-dhiska dalka, isagoo si gaar ah u tilmaamay dhammaystirka cutubyada harsan ee Dastuurka KMG.
Danjire Di Mauro ayaa soo dhaweysay dadaallada Golaha Aqalka Sare, isla markaana xaqiijisay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xoojiyo taageerada siyaasadeed iyo farsamo ee geeddi-socodka dowlad-dhiska.
