Muqdisho:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga Garoonka Muqdisho iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan.
Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul Wasaaraha, ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha, Markii uu arkay aqoonta iyo waaya-aragnimada ay u leeyihiin masuuliyiintani shaqooyinka loo idmaday waxa uu u magacaabay:
• Cabdinaasir Maxamuud Gurey: Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga ee Garoonka Aadan Cadde.
• Cabdalla Xasan Cali: Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS.
