Home Federaalka Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta la kulmaya 3 madax goboleed Maxa ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta la kulmaya 3 madax goboleed Maxa ka socda Villa Somalia.

0

Warar ay heshay Arlaadi Media ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu kulan talo iyo wadatashi ah uga yeeray hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabeelle.

Kulankan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii hoggaamiyeyaashan ay talo uga bixin lahaayeen qorshaha socdaalka Madaxweynaha ee Kismaayo, oo uu ku tagi doono maalmaha soo socda, si loo fududeeyo wadahadallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sida ilo xog-ogaal ah sheegeen, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in safarkiisa Kismaayo uu noqdo mid natiijo leh oo horseeda is-afgarad siyaasadeed iyo dib u soo celinta kalsoonida labada dhinac.

Madaxweyne Xasan ayaa qorsheynaya inuu maalmaha soo socda mar kale u safro magaalada Kismaayo, si uu halkaas ugu sii ambaqaado wadahadalladii horay u socday ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version