Home Federaalka Shirweynaha Bahda Cadaalada Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirweynaha Bahda Cadaalada Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho,:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirweynaha Koowaad ee Bahda Caddaalladda dalka, oo looga hadlayo horumarinta sharciga, isla xisaabtanka, iyo xoojinta kalsoonida ay bulshadu ku qabaan hey’adaha garsoorka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad dowlad-dhis ah, isla markaana loo baahan yahay garsoor madax-bannaan, hufan, oo daboolaya baahida shacabka, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo sarreynta sharciga, lana tayeeyo hey’adaha caddaaladda, si loo helo garsoor lagu kalsoon yahay oo horseeda nabad waarta, iyo dowladnimo sal-adag leh.

Waxa uu intaas raaciyey in garsoorka uu muhiim u yahay doorasho xor ah caddaalad ah iyo xoojinta dimuqraadiyadda iyo kalsoonida shacabka, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta siinayso dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tilmaamay in dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurku ay yihiin aas-aaska hirgelinta nidaamka sharciga iyo federaalka ee dalka, waxa uu xusay in dastuur dhammeystiran uu dalkeenna u keenayo, xasillooni siyaasadeed, hannaan shaqo oo mideysan, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo garsoor caaddil ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud, bahda garsoorka qaban-qaabada shirka sanadlaha ah, waxa uuna ugu baaqay dhammaan ka qeyb-galayaasha in ay si dhab uga doodaan dib-u-habeynta garsoorka, isla markaana ay keenaan talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo caddaaladda dalka.

 

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version