Home Federaalka Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta

0
Muqdisho, Soomaaliya Sabti- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Jumca Al-Rumayti.
Kulanka ayaa looga hadlay adkeynta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga dhinacyada badan ee u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan horumarinta iyo taageerada howlaha gargaarka bani’aadannimo, maadaama qeybo kamid ah dalka ay ka jiraan abaaro saameyn ku yeeshay nolosha ku dhawaad shan milyan oo qof.
Danjire Imaaraadka Carabta Axmed Jumca ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida dowladda Imaaraatka ay uga go’antahay arrimaha iskaashiga labada dal, iyo sida markasta ay dowladdiisa u garabtaagantahay Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka taageerada iyo sida ay mar walba u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed. Waxaa Ra’iisulwasaaraha kulanka ku wehliyay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo mas’uuliyiin kale oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ah, iyada oo kulankan uu ku soo hagaagay xilli dowladda ay waddo dadaalo xooggan oo ay isugu xireyso hawlaha ka jawaabista abaaraha taagan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version