New Delhi, India-Ra’iisulwasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa lafilayaa inuu booqasho afar maalin qaadanaysa kubixiyo dalalka Jordan, Oman iyo Ethiopia 15ka – 18ka Bishan December.
Booqashada Narendra Modi oo kabilaabmaysa maalinka bari ah ayaa safar kutagi doona dalka Jordan halkaasoo uu casuumaad kahelay boqorka Jordan Abdullahi Bin Hussein si ay uga wada hadlaan xiriirka laba geesoodka ah ee kadhexeeya labada dal.
Ra’iisulwasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa booqasho laba maalin qaada doonto kugaari doono dalka Ethiopia taasoo kabilaabanaysa 16 ka December Modi ayaana halkaas kula kulmi doona dhigiisa Ethiopia, Abiy Ahmed Ali, halkaasoo ay labada dhinac yeelan doonaan wada hadalo balaaran oo kusaabsan xiriirkooda laba geesoodka ah.
Booqashada Modi ee Ethiopia ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee uu kutago dal dhaca Bariga Afrika, booqashada Modi ee Ethopia ayaa cusboonaysiindoonta go’aamada ay labada dal wadaagaan, iyadoo labada dal hormari doonaan saaxiibtinimadooda soo jireenka ah, iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee kadhexeeya Ethiopia iyo Hindiya.
Narendra Modi ayaa booqasho kutagi doona dalka Oman 17ka – 18ka December, casuumaad uu kahelay boqorka Oman Sultan Haitham bin Tarik, safarka uu Modi kugaari doono Oman ayaa noqonaya kii labaad ee uu kutago dalkaas, labada dhinac ee Hinya iyo Oman ayaa lafilayaa inay kawada hadlaan ganacsiga xorta ah booqashada Modi ee wadamada gacanka.
Hindiya iyo Oman ayaa wadaaga iskaashi istaraatiijiyadeed kaa oo gundhig u’ah xiriirkooda saaxiibtinimo ee qarniyada soo jiray, xiriirkooda ganacsi iyo isku xirnaanshiyaha labadooda bulsho.
Booqashada Narendra Modi ee Oman ayaa calaamadin doonta 70 sana guurada kasoo wareegtay markii uu aas-aasmay xiriirkooda Diblomaasiyadeed, iyo booqashadii uu Sultan Tarik kutagay Hindiya December 2023 ka.
Booqashadaan ayaanna fursad unoqondoonta labada dal inay dib u’eegis kusameeyaan iskaashiga labageesoodka ah ee udhexeeya labada dal, ee ay kamid yihiin Ganacsiga, Maalgashiga, Tamarta, Difaaca, Amaanka, Teknologiyada, Beeraha iyo Dhaqanka iyo isdhaafsiga danaha labada dal ee heer Gobol iyo heer Caalam.
