Home DIBADDA Toogasho Lagu Dilay 12 Ruux Oo Kadhacday Australia

Toogasho Lagu Dilay 12 Ruux Oo Kadhacday Australia

0

Bond Beach, Australia- Xeeb udhaw caasimadda Australia ee Sydney oo lagu magacaabo Bondi Beach waxaa subaxnimada saaka ah kadhacday toogaasho loo gaystay 12 ruux halka ay dhaawacmeen 29 qof oo ay kujiraan laba saraakiil katirsan booliska Australia.

Booliska Sydney ayaa sheegay in laba qof ay kadambeeyeen falka toogashada ah ee kadhacay Bondi Beach Sydney ayna toogteen mid kamid ah halka midka Kalana uu kusuganyahay xaalad halis ah.

Sida la ogaaday bartilmaameedka toogashada ayaa ahayd munaasabad dabaaldag ah oo ay dhiganayeen bulshada Yuhuuda ah ee kunool Australia halkaasoo ay goobjoog ahaayeen in kabadan 1,000 qof.

Ra’iisulwasaaraha Australia Anthony Albanese oo kahadlay falka toogashada ayaa tilmaamay “inuu ahaa mid kusalaysan nacayb iyo argaxgaxisnimo iyo sidoo kale in weerarka lagu qaado Yuhuuda Australia ay lamid tahay ayadoo la weeraro qof kasta oo Australian ah”.

Falalka toogashada oo ah kuwa aad ugu yar dalka Australia ayaa sababtay inay dadku aad uga argagaxaan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version