Baydhabo, Soomaaliya- Â Wasaaradda Dhallinyarada Ciyaaraha, iyo Xiriirka Kubadda Cagta ee Dowladda Koofur Galbeed, waxay si rasmi ah u caddaynayaan in Xulka Ciyaartooyda Dowladda Koonfur Galbeed uusan ka qeybgali doonin tartanka ciyaareed ee la shaaciyey in loo qabanayo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, sababo la xiriira qodobbadan hoos ku xusan:
In aan weli laga wada hadlin, lana xallin tabashooyinkii iyo dhibaatooyinkii loo geystay ciyaartooyda Dowladda Koonfur Galbeed, isla markaana aan wax garawshiyo ah laga bixin.
In waqtiga la shaaciyey ee tartanka uusan ku habboonayn, islamarkaana loo baahan yahay tashi guud iyo wada-xaajood buuxa oo ku saabsan arrimahan.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, iyo Xiriirka Kubadda Cagta ee Dowladda Koonfur Galbeed, waxay mar walba ka go’an tahay horumarinta isboortiga, dhiirrigelinta dhallinyarada, iyo ka qeybgalkooda tartamada mustaqbalka, kuwaas oo ku dhisan hannaanka saxda ah, isla-xisaabtanka, cadaaladda, iyo is-afgarad buuxa.
Ciyaartoyda Koofurgalbeed ayaa sanadihii 2020, iyo 2024 lakulmay dhibaatooyin kagayimid kooxaha Galmudug iyo Banaadir oo ay laciyaarayeen taasoo sababtay inay isaga haraan tartankii socday.

