Home Federaalka Wararka Gudaha Banaanbaxyo Lagaga Soo Hor Jeedo Aqoonsiga Isra’il Ee Maamulka Somaliland Oo kadhacay...

Banaanbaxyo Lagaga Soo Hor Jeedo Aqoonsiga Isra’il Ee Maamulka Somaliland Oo kadhacay Gobolo Katirsan Soomaaliya.

0

Muqdisho, Soomaaliya-  Banaanbaxyo lagu diidanyahay aqoonsiga Isra’il ay ku aqoonsatay qayb kamid ah Soomaaliya ayaa dhaliyay caro ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed ee kudhaqan gobolada iyo magaalooyinka dalka iyagoo qabtay banaanbaxyo balaaran oo ay kaga soo horjeedaan falkaas sharci darada ah.

Magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa lagu qabtay banaanbax balaaran oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya kaa oo shacabka caasimadu kaga soo horjeedaan falka ay Isra’il dal ugu aqoonsatay qayb kamid ah Soomaaliya.

Magaaladda Baydhabo ee xarunta maamulka Koofur galbeed ayaa lagu qatay isu soo bax balaaran oo dadweynaha magaaladaasi kudiidanyihiin aqoonsiga Isra’il ee ay siisay qayb kamid ah Soomaaliya.

Magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa lagu qabtay isu soo bax balaaran oo Shacabka magaaladaasi kaga soo horjeedaan damaca Isra’il ee Soomaaliya, si lamid ah magaalooyinka Caabudwaaq, Cadaado, Gaalkacyo, Guriceel iyo Baxdo ayey kaqabsoomeen banaanbaxyo ay dadku kaga soo horjeedaan dama guracan ee ay Isra’il ku aqoonsatay qayb kamid ah Soomaaliya.

Magaaladda Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya  ayaa   laga dibad bax balaaran kaa oo laga soo hor jeedo aqoonsiga sharci darada ah Isra’il ku aqoonsatay qayb kamid ah Soomaaliya, si lamid ah magaaladda Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa lagu qabtay dibadbax ay shacbku kudiidanyihiin aqoonsiga Isra’il ee maamulka Somaliland.

Tan iyo maalinkii Jimcaha markii uu soo baxay warka kusaabsan aqoonsiga Isra’il ee maamulka Somaliland waxaa cirka isku shareeray dalalka iyo ururada caalamiga ah ee kasoo horjeestay talaabada Isra’il ee aqoonsiga sharci darada ah ee maamulka Somaliland.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version