Home Federaalka Wararka Gudaha Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaaray Dhuusamareeb

Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaaray Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb, Galmudug:- Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray Magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Dhuusamareeb kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), wasiiro Iyo xildhibaano heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada Magaaladda Dhuusamareeb.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaaladda Dhuusamareeb uga qeyb geli doona shirka sanadlaha ah ee madasha aragtida wadaagga ee Heritage, kaas oo dhowaan ka furmi doona Magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version