Muqdisho, Soomaaliya — Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Turkiga uu Soomaaliya gaarsiisay diyaarado dagaal oo nooca F-16 ah, taas oo ku soo beegantay booqashada wafdi heer sare ah oo Turki ah oo toddobaadkan booqasho kuyimid caasimadda Muqdisho, Arrintan ayaa sii xoojinaysa iskaashiga amni ee sii ballaaranaya ee Ankara la leedahay dalka Geeska Afrika.
Wafdiga Turkida ah ee booqashada kuyimid Soomaaliya waxaa ka mid ah masuuliyiin sare oo ay kamidyihiin Taliyaha Ciidamada Gaarka ah Ünsal Hayal, Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga Gökhan Demirtola, iyo Ku-xigeenka Madaxa Arrimaha Dibadda Turgay Olgun, kuwaas oo la kulmay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya si ay u adkeeyaan taageerada dadaallada wadajirka ah ee la dagaallanka argagixisada iyo iskaashiga difaaca.
Ila wareedyo ayaa sheegaya in hawlgelintaasi ay sidoo kale ku jirto isticmaalka bakhaarada hubka ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, taas oo muujinaysa ballaarinta joogitaanka Turkiga ee dhinacyada tababarka, dhisidda awoodda, iyo taageerada istiraatiijiyadeed ee ciidamada ammaanka Soomaaliya.
Türkiga ayaa horay uga hirgeliyay magaalada Muqdisho xarun weyn oo tababar ciidan ah, sidoo kale waxay dirtay ciidamo ka qeyb qaata hawlgallada ka dhanka ah **Al-Shabaab, taas oo ka tarjumaysa sanado maalgelin iyo taageero ah oo ay ku sameyneysay hay’adaha difaaca Soomaaliya.
Gaarsiinta hubkan ayaa imanaysa xilli uu jiro xiisad diblomaasiyadeed oo ballaaran, taas oo ka dhalatay go’aankii dhawaan ee Israel ay ku aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, go’aan si adag ay u diideen Soomaaliya iyo dalal badan oo Muslim iyo Carab ah, iyaga oo ku tilmaamay mid ku xadgudbaya midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Dowladaha Soomaaliya iyo Carabta ayaa ku sifeeyay tallaabadaasi mid xasilooni-darro abuuraysa isla markaana caqabad ku ah nidaamka caalamiga ah ee jira, halka falanqeeyayaal qaar ay ka digeen inay dib u qaabeyn karto xuduudaha siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Xiriirka Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa si weyn u xumaaday.
Dowladda Soomaaliya ayaa meesha kasaartay dhammaan heshiisyadii difaac, amni iyo dekedo ee ay la lahayd Abu Dhabi, iyada oo ku eedeysay Imaaraadka falal wax u dhimaya madax-bannaanida Soomaaliya — arrin muujinaysa kalsooni-darro ballaaran iyo muranno la xiriira maalgashi iyo isbahaysiyo istiraatiiji ah oo ka jira Somaliland iyo dalalka Khaliijka.
Dowladda Soomaaliya ayaa isu aragta inay ku jirto xuddunta isbahaysi sii xoogeysanaya oo ay ka mid yihiin Masar, Turkiga, iyo saaxiibbo kale oo gobolka ah, kuwaas oo ka soo horjeeda isbeddel kasta oo hal-dhinac ah oo lagu sameeyo xuduudaha caalamku aqoonsan yahay ee Soomaaliya, iyadoo weli sii wada dagaalka ay kula jirto kooxaha xagjirka ah iyo dadaallada lagu xasilinayo laguna dhisayo hay’adaha qaranka.
