Muqdisho, Soomaaliya – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay warqad ay uga laabanayso waaran soo qabasho ah oo horay uga soosaartay madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Maxkamadda ayaa 27 November sanadkii 2024 ka soo saartay waaran soo qabasho ah kagadaal markii uu kabaxay shir ay lahaayeen madasha wadatashiga qaran, isagoo qabsaday doorasho ugaar ah.
Si lamid ah Maxkamadda magaalada Kismaayo ayaa iyana soo saartay waaran soo qabasho ah oo sida kuxusan ay ujartay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhawaan ayaa lafilayaa in magaalada Muqdisho uu kafurmo shir udhexeeya golaha mustaqbalka Soomaaliyeed iyo dowlada federaalka, iyadoo xalay ilaa maanta ay kulamo kala duwan lahaayeen gudiyo farsamo oo kasocda labada dhinac kuwaas oo kashaqeynaya qabsoomida gogosha ay dowladu ufidisay saamilayda siyaasada.
Dhanka kale Dowlada Soomaaliya ayaa wada wax kabadalka dastuurka iyadoo cutubyadii kaharsanaa cutubyo horay loo meel mariyay lahorgeeyay labada gole ee baarlamaanka hase yeeshee ay is hor istaag kusameeyeen xildhibaano si aad ah udiidanaa waxkabadalka dastuurka.
