Home Federaalka Wararka Gudaha Madaxweynaha Jubaland Oo Muqdisho Soogaaray, Iyo Wadahadalada udhexeeya Dowladda Soomaaliya Iyo Xubnaha...

Madaxweynaha Jubaland Oo Muqdisho Soogaaray, Iyo Wadahadalada udhexeeya Dowladda Soomaaliya Iyo Xubnaha Mucaaradka Oo Lafilayo Inay Bilowdaan

0

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa goordhow kasoo dagay gagida diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, imaatinka Axmed Madoobe ee Muqdisho ayaa daaran kaqeybgalka shirka udhexeeya Madaxtooyada Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ah gaar ahaan madasha mustaqbalka.

Dhawaan ayey ahayd markii Dowlada Soomaaliya ay dib ucelisay ciidamo hordhac u’ahaa labada madaxweyne ee Jubaland iyo Puntland taasoo dhalisay dib udhac kuyimid shirka lafilayay inuu dhexmaro mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya.

Shirkan ayaa ah mid looga arrinsanayo badi arrimaha laxiriira doorashooyinka, iyadoo dowladda Soomaaliya sii wado dardargalinta dhamaystirka cutubyada kadhiman dastuurka, labada aqal Baarlamaanka Soomaaliya oo kashaqeynaya ansixinta cutubyada harsan ee dastuurka ayaana lakulmaya is hor istaag kadhan ah iyadoo xubno xildhibaano ah laga joojiyay kaqebgalka fadhiyada kaharsan baarlamaanka.

Mucaaradka ayaa ayagu doonaya inay dowladda Soomaaliya joojiso waxkabadalka dastuurka kuna soo laabato midkii kumeelgaarka ahaa ee heshiiska lagu ahaa, iyagoo dhaliishooda dastuurka cusub usabeeyay mid aan heshiis lagu aheyn, madaxweynahuna doonayo inuu kursiga kusii dheereysto.

Muddo Xileedka Hay’addaha Dowladda Federaalka ayaa ah kuwa gabaabsi ah taa oo kudhow in uu kadhaco mudada xilhaynta iyadoo xildhibaanada qaarkood ay kadheceen kuraastii ay kufadhiyeen, lamase oga waxa xigi doona ansixinta dhameystirka dastuurka cusub.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version