Home Federaalka Madaxweynaha Soomaaliya Oo Saxiixay Dastuurka Cusub

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Saxiixay Dastuurka Cusub

0

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqalka madaxtooyada kusaxiixay dastuurka cusub ee uu dhawaan ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ay garbihiisa taaganyihiin gudoonka labada aqal ee baarlamaanka ayaa qalinka kuduugay dastuurka cusub ee uu dalku yeeshay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad kakooban kajeediyay munaasabada saxiixa dastuurka ayaa sheegay in wixii waqtigaan kadanbeeya laguda galayo dhaqan galintiisa iyo sidii Umadda Soomaaliyeed uheli lahaayeen xaqii iyo xuquuqdii ay lahaayeen.

Madaxweynaha ayaa dastuurkaan urajeeyay inuu noqdo midkii Soomaaliya uhorseeda nabad, daganaansho, iyo xukun hufan oo toosan.

Saxiixa madaxweynaha ee dastuurka ayaa imaanaya kagadaal markii maalinimadii Arbacada todobaadkii tagay ay fadhi wadajir ah oo ay yeesheen labada gole ee baarlamaanka kudhameystiray cutubyo ay kadoodeen kuwaas oo dhameystir u’ahaa dastuurka cusub, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad af – fur ah kumaamuusay mudanayaasha labada aqal ee kaqeybgalay dhameystirka cutubyadii kaharsanaa dastuurka.

Maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa qaadacay waxkabadalka dastuurka iyadoo uu midkasta xildhibaanada labada heer ee kumatala baarlamaanka ugu yeertay wadstashi.

Si lamid ah xubmaha kale ee golaha Mustaqbalka ayaa si adag uga Soo horjeestay talaabada ay baarlamaanka Soomaaliya ansixiyeen waxkabadalka dastuurka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version