Wednesday, August 26, 2026

Koonfurgalbeed Oo Qabatay Doorasho Degdeg Ah, Xilli Dowladda Federaalka Ah Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Kawado Qeybo Kamid Ah Deegaanada Maamulkaas

Share

Baydhabo, Soomaaliya – Maamulka Koonfurgalbeed ayaa maanta qabanaya doorasho degdeg ah xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya ay si adag uga hortimid islmarkaana doonaysa inay qaado talaabo millatari.

Gudiga doorashooyinka maamulka Koonfurgalbeed ayaa xalay soo saaray liiska xildhibaanada cusub ee maamulkaas oo kakooban 95 xubnood.

Xildhibaanada cusub ayaa maanta doortay gudoomiyaha golaha wakiilada baarlamaanka Koonfurgalbeed waxaana doorasho qabsoontay kusoo baxay Cali Siciid Fiqi oo horay uhayay xilkaan, halka Shamsa Maxamed Yarow loo doortay kuxigeenka golaha wakiilada Koonfurgalbeed.

Madaxweynaha Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo murashaxa kale ee latartamaya Cabdullaahi Xaaji Xasan ayaa goordhow qaatay shahaadada murashaxnimo ee doorashada maamulkaas.

Dhanka kale dowladda federaalka Soomaaliya oo ciidamadii ugu badnaa isugu geysay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa kujirta dadaalo ay kaga hortageyso doorashada uu magaalada Baydhabo kuqabsanayo madaxweyne Laftagareen.

Xubnaha Mucaaradka ku ah maamulka Koonfurgalbeed ayaa isugu tagay degmooyinka Xudur, iyo Buurhakaba ee gobolada Baay iyo Bakool.

Madaxweynaha Koonfurgalbeed oo hadal kooban kajeediyay goobtii uu kaqaatay shahaadada murashaxnimada ayaa sheegay “in lagu qasbay in doorashada ay galaan ay tahayna waajib saaran balse ay caqabad kunoqotay dowladda federaalka”.

Madaxweynaha Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kuguuleysatay doorashadii uu kula taratamayay murashax Cabdullaahi Xaaji Xasan isagoo helay codad dhan 66 cod halka uu Cabdullaahi Xaaji Xasan uu helay codad gaaraya  13 cod.

Xubnaha mucaaradka ku ah madaxweyne Laftagareen ee kujira dowladda federaalka ah iyo kuwa banaanka kajooga ayaa si adag udhaliilsan nidaamka madaxweynaha Koonfurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo udiray masuuliyiinta loo doortay golaha wakiilada maamulkaas, iyo dib u doorashada madaxweyne Laftagareen.

Read more

Local News