Wednesday, April 29, 2026

Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Oo Kordhiyay Waqtiga Ay Dhaceyso Doorashada Koonfurgalbeed

Share

Doorashooyinka Koonfurgalbeed – Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa soosaaray wareegto ay mudadda ugu kordhinayaan soo gudbinta liiska murashaxiinta iyo dib udhigista waqtiga ay dhaceyso doorashada maamulka Koonfurgalbeed.

Gudiga doorashooyinka ayaa ku cayimay 05 ta May  soo gudbinta liiska murashaxiinta, halka uu sidoo kale gudigu u’asteeyay 15 ka May doorashada golaha wakiilada, iyo mida golayaasha deegaanka Koonfurgalbeed.

Gudiga doorashooyinka ayaa faray ururada siyaasadeed ee kaqeybgalaya doorashooyinka inay ilaaliyaan hanaanka isu dheelitiranka qeybaha kala duwan ee bilshada wada daga deegaanada ay kadhaceyso doorashada.

Qoraalka gudiga ayaa kusoo aaday xili ay maanta ku aadaneyd qabashada doorashada golaha wakiilada iyo tan golayaasha deegaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dardar kuwada doorashada qof iyo codka ah ee ay dooneyso inay kaqabato deegaanada maamulka Koonfurgalbeed.

 

 

Read more

Local News