Wednesday, April 29, 2026

Qaramada Midoobay Oo ka Digtay Khatarta sii kordheysa ee Soo Food Saartay Dadka Rayidka ah ee Kunool koonfurta Suuriya

Share

UN, Geneva – Xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadada maanta ah ka digay khataro sii kordhaya oo soo food saaraya dadka rayidka ah ee ku nool koonfurta Suuriya iyadoo ay sii kordhayaan howlgallada milatari ee ay wadaan ciidamada Israa’iil.

Afhayeen lagu magacaabo Thameen Al-Kheetan ayaa isagoo kusugan Geneva usheegay wariyayaal “Waxaan helaynaa walaacyo sii kordhaya oo ku saabsan ilaalinta dadka rayidka ah ee ku nool koonfurta Suuriya, halkaas oo ballaarinta howlgallada ay ciidamada Israa’iil ku qabsanayaan goobahaas ay khatar gelinayso nolosha dadka rayidka ah”.

Al -Kheetan ayaa soo xigtay warbixino ku saabsan dhibaateyn iyo cabsi gelin, xarig, su’aalo weydiin, baaritaanno guri iyo xayiraado dhaqdhaqaaq oo ka jira gobolka Quneitra, halkaas oo ciidamada Israa’iil ay sheegeen inay dhigeen baro kontarool, ay baareen guryaha oo ay xireen dad rayid ah.

Guddoomiyaha Sare ee Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay Volker Turk ayaa ugu baaqay Israa’iil inay soo afjarto dhammaan xadgudubyada kadhanka ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada iyo sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee Suuriya.

 

Read more

Local News