Home DIBADDA Drones-ka Oo Khatar Amni Ka Abuuray Xabsiyada Ingiriiska

Drones-ka Oo Khatar Amni Ka Abuuray Xabsiyada Ingiriiska

0

London, England – Maxaabiista ku jirta xabsiga Pentonville ee magaalada London ayaa sii ballaarinaya adeegsiga diyaaradaha drones-ka si ay u soo geliyaan daroogo iyo hub, taas oo sare u qaaday walaaca amni ee guud ahaan xabsiyada dalka ingriiska.

Hase yeeshee, darbiyada duugoobay ee xabsiyada qadiimiga ah ee Ingiriiska, gaar ahaan kuwa la dhisay xilligii “Victorian era”, ayaa caqabad ku noqday dadaallada lagu joojinayo hawlahan, iyadoo maamulayaashu ay sheegeen in qorshayaal lagu xoojinayo ammaanka ay hakad galeen sababo la xiriira awood darrida darbiyada.

Isku dayo lagu rakibayay shabaqyo ka hortaga drones-ka gudaha HMP Pentonville ayaa hakad galay kadib markii injineerro ay ogaadeen in dhismaha xabsigu uusan si ammaan ah u xajin karin qalabkaas. Khubaro ayaa sheegay in xabsigan oo dhismihiisu yahay mid aad u da’ weyn uusan qaadi karin culayska iyo xiisadda ka dhalan karta rakibidda qalabkan cusub ee ammaanka.

Kormeeraha guud ee xabsiyada England iyo Wales, Charlie Taylor, ayaa sheegay in hawada sare ee xabsiyada si weyn ugu gacan gashay kooxaha dambiyada abaabulan, taas oo halis ku ah amniga qaranka. Afar sano gudahood, isticmaalka drones-ka ee xabsiyada ayaa kordhay in ka badan 1000%, iyadoo lagu daabulayo alaabo kala duwan.

Drones-kan ayaa si toos ah u gaarsiiya baakado miisaankoodu gaari karo 15kg daaqadaha qolalka maxaabiista, kuwaas oo ay gudaha uga jiitaan qalab ay sameysteen. Alaabaha la geliyo waxaa ka mid ah daroogo, dawooyin iyo hub kala dwan.

Inkasta oo dowladda ay qorsheyneyso inay maalgeliso tallaabooyin cusub oo lagula dagaallamayo drones-ka, haddana caqabadaha dhismaha xabsiyada duugoobay ayaa weli taagan. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in hagaajinta amniga lagu saleeyo qiimeyn dhisme kasta si loo hubiyo badbaado iyo waxtar, iyadoo la rajeynayo in la yareeyo dambiyada ka dhaca gudaha xabsiyada.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version