Muqdisho – Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo uu lasocdo agaasimaha hay’adda Nanbad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahada Maxamed Salaad ayaa isaga soo baxay gurigii uu kadaganaa degmadda Howlwadaag, halkaasoo ay dirir ku dhexmartay ciidamadda dowladda iyo kuwa isaga taabacsan.
Weerarada ciidamada labada dhinac is weydaarsanayaan oo bilaabmay galinkii dambe ee shalay soona gaaray subaxnimadii saaka ayaa soo gabagaboobmay iyadoo ciidamadda dowladda ee ku sugnaa aagga isgoyska Dabka ay ka durkeen halkii ay kadagaal galeen.
Agaasimaha hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka oo gaaray guriga uu daganaa ra’iisulwasaare hore Kheyre ayaa ku qanciyay inuu dib ugu laabto aaga garoonka diyaaradaha Muqdisho oo uu horay udaganaa.
Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa Talaadadii todobaadkaan soo dagay guriga xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar isagoo kasoo baxay xayndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Weerarka ka dhacay guriga uu kusugnaa Kheyre ayaa ku soo aaday iyadoo halkaas ay sidoo kale kula sugnaayeen xubno waan waan ugu tagay oo ay kamid ahaayeen ugaasyada beelaha Murusade iyo Abgaal kuwaas oo doonayay in laxaliyo khilaafka dowladda iyo mucaaradka.
Geesta kale weerarka ay ciidamadda dowladdu ku qaadeen guriga ra’iisulwasaare hore Kheyre ayaa waxaa daba socday weerar kale oo lagu qaaday guriga uu uu deegaansaday madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed kaas oo kuyaala degmmadda Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.
Madaxweyne hore Shariif Sheekh oo hadlay xalay saqdii dhexe ayaa ku hanjabay in Cidii xabad kusoo rida uu iska dhicinayo.
Dhanka kale waxaan maanta qabsoomin banaanbixii ay horay ugu baaqeen xubnaha mucaaradka sababo laxiriira dagaalka iyo jidadka xiran ee magaaladda Muqdisho.
